| 151.Matag iyo caro midna meeshaad doonayso kuguma simo. |
| 152.Midiidin qoodh ma aha. |
| 153.Midho daray duuduubbaa lagu liqaa. |
| 154.Midho geedsaaran midho guntii ku jira loo ma daadiyo. |
| 155Naago nin ay yaqaanniin colma moodaan. |
| 156.Nin reer u wayn iyo naag naago ka umulisay midna sida uu wax u og tahay uma sheego . |
| 157.Nindaad qaadey, xumbo cuskey. |
| 158.Nin arintiisa rartey waa nin orgi rartey. |
| 159.Nin habari dhashay,hal ma seegi waayo. |
| 160.Nin aan qooq dilin,maroodi ma dilo. |
| 161.Nin yari waa nin ban soo rooraya. |
| 162.Nin hoostiisa dayaa,hareertisa madayo. |
| 163.Nin soori qaadey waa nin seefi kaa qaadey. . |
| 164.Nin geel raacijiry oo geel kale u tagay,hashaa mageceed buu korodhsadaa.. |
| 165.Nin guursaday xuunsho xoolo mood. |
| 166.Nin aan hadlin hooyadii qadisey. |
| 167.Nin walba kitaab qumane ah ayaa qoorta ugu jira. |
| 168.Nin aan kuu furi doonin ,yuu kuu furin. |
| 169.Naari meel qabow maleh. |
| 170.Nin loo tumay loo ma talin. |
| 171.Nin aan wax soosocda garani, wax jooga ma garto. |
| 172.Nin ilka wayni haduu go'ayona inuu qoslaayobaa lamoodaa. |
| 173.Ninna maankiisa ma saluugo. |
| 174.Nin fadhigaaga arkaya looma sara joog sado. |
| 175.Nin af leh ayaa abaar ka baxa. |
| 176.Nin wayni wadkii waa yaqaan. |
| 177.Nin qoyani biyo iska ma dhowro. |
| 178.Nin xoolihii la qaatey, ayaan darow mooyee, orad daranow lama yiraahdo . |
| 179.Ninna korkiisa biyo ka ma hagrado. |
| 180.Nin durbaan qaatey ilaaq dalbey. |
| 181.Nin walba ceesaantii,ceelka keen. |
| 182.Nin dhintey,kabihiisaa ka roon. |
| 183.Nin aan weedhi sugini waran ma sugo. |
| 184Nin aan warankaagu gelini, weedhaadu ma gasho. |
| 185.Nin is faanshey waa ri is nuugtey. |
| 186.Nin aan hadlin hooyadii qadisey. |
| 187.Harag sagaaro iiga kac mooyee iiga durug maleh |
| 188.Hadal iyo hilibaba kala qalan. |
| 189.Hadal af dhaafey afaaf dhaaf. |
| 190.Hadal haan ma buuxsho. |
| 191.Hadal intii urkaaga ku jiro ayuuu amanadaa yahay. |
| 192.Hadalku runta kama raysto. |
| 193.Hunu hunu hadal ma'aha, himbiriirsi arag ma 'aha. |
| 194.Hadii fooli timaado,guda qarsi ma jiro. |
| 195.Habeen buu rag is dhaafey. |
| 196.Hadal lama ag joogsada ee geedbaa la'ag joogsadaa. |
| 197.Hal maqaarka diidaysa geed ay ku xoqoto ma wado. |
| 198.Habar dhali waydey aleelo ku waalatey. |
| 199.Habar fadhida legdini wax uga fudud. |
| 200.Hadii lagu sheelo waa laysi sheegaa. |