| 201.War laqabaa xiiso ma leh. |
| 202.Wixii dooxana daad ha qaado, wixii daantana dabayli ha qaado.. |
| 203.Wax aanad hurayn horaa loo yeelaa. |
| 204.Wax aanad helikaraynin,wax aanad u baaahnayn baa laga dhigaa.. |
| 205.Wax aan gacantaada ku jirin, iyo af kaaga waa kala raagaan.. |
| 206.Wax aan gacantaada ku jirin, layskuma haleeyo. |
| 207.War jiaa cakaaruu iman. |
| 208.Wax rag kaa galey rako kaa gale.. |
| 209.Waran kugu soo noqon doona lama rido. |
| 210.Waad baahan tahay looma bahalacuno. |
| 211..Waad baahan tahay, bakhtiga lama cuno. |
| 212.Wixii baaqda bela ka doon. |
| 213.Waysha gawrac dibigu ha ku quustee. |
| 214.Wax wallaal loo diidey wed baa leh . |
| 215.Wadiiqada yari,waddada weyn bay kugu ridaa. |
| 216.War la'aan baa col hodday.. |
| 217.Wax wax kusiiya wax badan baad aragtaa,wax wax kuu sheega wax yar baad aragtaa. |
| 218.Qaydhiin iyo bisayl wixii ka dhexeeeya waa yacyacood. |
| 219.Qatanaan reer waa lagalaa, qawanaan se lama galo. |
| 220.Qori keligii ma bel belo. |
| 221.Qoodhi qardabo iska ma dayso. |
| 222.Finka calooosha ku yaal carabkaa dila.. |
| 223.Fari fool ma dhaqdo.. |
| 224.Faq fagaaruu yimaadaa.. |
| 225.Falaadhi gilgilasho kaagama hadho. |
| 226.Farihii dufan leh ayaa wax duuga . |
| 227.Fuulmo waa fara ku hayn. |
| 228.Kaadi badane waa loo gogol badiyaa. |
| 229.Kaadi ul dheer baa layska ga duwaa. |
| 230.Kor fayow baa la dhowraa. |
| 231.Kab xume ma hadhee,kab laawaa hadha. |
| 232.Ka fiirso intaadan falin. |
| 233.Ijiid aan kujiidee waa gacmo daalis. |
| 234.Intii qar jiray baa qururuxna jiray. |
| 235.Intii ay baaqan lahayd hayaraato.. |
| 236.Intii calooshu bukilahayd afku ha buko(luggto ha bugto). |
| 237.Gacmo wado jir bay ku gooyaan. |
| 238.Geel labo jir soo wada mar. |
| 239.Libaax nin aan aqoon baa lax ka rita.. |
| 240.Layli biyaha kashiisa ku jiruu ka didaa. |
| 241.Rag iyo geel gogoshoodu waa nabad. |
| 242.Rag tag lama yiraahdo ee wuxuu ku tagaa la tusaa . |
| 243..Shimbiri lab tog(geed)kama wada bardeysato. |
| 244.Togba taagtii buu rogmadaa. |
| 245.Abuur iyo waano ,abuur baa horaysey.. |
| 246.Meel dayax joogo xidigo wax ma ifiyaan. |
| 247.Xalaal iftiin baa la qashaa. |
| 248.Ul jiiftaa ma jabto. |
| 249. |
| 250. |