| 101.Dhiil maran iyo dhiil buuxda layskuma dhufto. |
| 102.Dhegi meel dheer bay ku dhacdaa, dhagaxna meel dhow. |
| 103.Dheg hadii lagooyo daloolkaa hadha. |
| 104.Dhac dushii laguma wada hadlo. |
| 105.Soddoggaa hal geel waa looga tagaa, hal geedse loogama tago. |
| 106.Soddohdaa wa lala hadlaa, wax xunse lama yidhaahdo.. |
| 107.Caano aan fiiqsi loo dhamin iyo hadal aan fiirsi loo oran, labaduba waa kula fogaadaan. |
| 108.Caano daatayba dabadood la qabay.. |
| 109.Callool adayg waa Alle wehelkii. |
| 110.Col ku gallee oo cabsi kugu reebee. |
| 111.Col hortii baa la hub samaystaa. |
| 112.Col naago ka kacay iyo cadho nirig ka kacday, midna ma qabowdo.. |
| 113.Culimo dad u eki bay kugu dishaa, Abeesana dhul u eki bay kugu dishaa.. |
| 114.Caruuri waa ciil laga waynaadey. |
| 115.Cadho wallaal waa loo seexdaa. |
| 116.Cawlba cawlkiisu la boodaa.. |
| 117.Calool rag waa wabi xagaa.. |
| 118.Caano jilaal,canba can buu bidaa. |
| 119.Cudud caaano gaabsheen,cagaar ma korsho.. |
| 120.Caleeen qudhac calool geel wax kama tarto.. |
| 121.Caan ka yaab reer ma doojo |
| 122.Ciirtaa dhamaa,ceebtaaa yaqaan. |
| 123.Ciise socod kuma laabna ,abeesana samir kuma laabna. |
| 104.Caruuruuri mulac ciyaar ciyaar bay u dishaa isagana waa uqudh gooyo. |
| 125.Gartaada inta aanad geedka tegin baa la naqsadaa. |
| 126.Gadhba gadh baa la tusaa |
| 127.Garawnshiinyo waa sad waayeel. |
| 128.Gacantaadu haddey sollo gasho,laguma soo dhufto,ee waa laga dhirin-dhiriyaa. |
| 129.Gacani waa nin lihi u go'do. |
| 130.Gacanqaad aan laguu ogayn is wadh baa layi dhaa. |
| 131Geesi Alle ma xilo. |
| 132.Geed walba in gubtaa hoos taal. |
| 133.Gashaan qaad ma habaabo. |
| 134.Geel nabar aanu ogayn buu ka gagabaa.. |
| 135.Geel jire gacaney buu ku caana waayaa. |
| 136.Geel ninkii lahaa dhacayo lama dhicin karo. |
| 137.Geel jire geel waa wada jiraa, waana kala jiraa. |
| 138.God walba wixii qotaa loogu yimaadaa. |
| 139.Kolba sida loo jabo baa loo dhutiyaa. |
| 140.Kuftin jilib ,waayeel wax ugu dhib leh . |
| 141.Karis xun iyana wax ku la'. |
| 142.Keligii cune keligiisuu dhintaa. |
| 143.Kala go' iyo kala lulasho kala lulashaa laqaatey. |
| 144.Lax waliba legeeday xaadhataa.. |
| 145.Laxiba shilalkay is dhigtaa lagu qalaa. |
| 146.Laxiba naysheeday wadataa. |
| 147.Laba caano doon isma waydo. |
| 148.Labo talaabo dhextoodba talo kadhalataa.. |
| 149.Luqun dheeraatey ,madax madhaafto. |
| 150.Laba qaawani is ma qaado. |