| 51.Dawaco halkii macal idaad ku dhadhamiso,bay macaluul ugu bakhtidaa. |
| 52.Dad wax yar tare mooyee wax matare maleh. |
| 53.Dardaaran cawaysin,kalahaad arooryuu leeyahay. |
| 54.Dameerta tan ugu xun ayaa ugu harati kulul. |
| 55.Dameeri dhaan raran raacday. |
| 56.Dameero isku halayn bay hooyadood dabada uga nuugaan. |
| 57.Dumaal nin ka xishoodaa kama ilmo dhalo. |
| 58.Dirxigu dantiisuu qudhunka ugu jiraa. |
| 59.Doqoneey dab kaa be. |
| 60.Dantaada maqaar ay baa loogu seexdaa. |
| 61.Durduro waxarood xanan bay kula gashaa. |
| 62.Durduro geel baa kujaba . |
| 63.Dirxigu dantiisuu qudhunka ugu jiraa. |
| 64.Doofaarka ficil la'aan baa loo cadaabaa. |
| 65.dhicisku inta birta lasoo siduu dhintaa. |
| 66.Dumar nimaan xukumin ma xurmeeyaan. |
| 67.Daran Doori yaaba naasnaasi. |
| 68.Dibi hooyo xumi korme ma noqdo .. |
| 69.Riyo haday dib leeyihiin,dabadooda bay ku qarin lahayeen. |
| 70.Rag is galay kal gallad la'.. |
| 71.Rawis reerkiisa looma dhaamo . |
| 72.Rag muraadli meel waa umaraa, muradla' ise meel uma fadhiyo. |
| 73.Rag hareer taada laga dayaa. |
| 74.In rag karo ayuu reer ka dhintaa.. |
| 75.Rag waxuu kugu bartuu kugu dilaa |
| 76.Rag shir laga ma daayo,adhina shiidh laga ma daayo,lo'na shiish barqo laga ma daayo. |
| 77.Rag gogoshii waa ku godobla'aan. . |
| 78.Rag lama maleeyo. |
| 79.Rag aamusey iyoriyo aamusey labaduba reerkoodii gabe. |
| 80.Raganimo dantaado moogi bay ku jirtaa.. |
| 81.Raqba waa ku rageed raqiba waaku rageeda. |
| 82Reerkaan doonayey roob igu ciiri. |
| 83.In rag karo ayuu reer ka dhintaa.. |
| 84Run iyo beeni kala raad la'. |
| 85.Saantii doraataa sari ka hadhaa |
| 86.Saxan saxan ku gud, Saan saan ku gud. .. |
| 87.Sal laguma fadhiyo ee soor baa lagu fadhiyaa. |
| 88.Sirrow ma hodmo.. |
| 89.Sakhaawe ma deeqo.. |
| 90.Sadaqadi reer mabi'iso . |
| 91.Siday u geeso weyn tahay uma badiso |
| 92.Sidaan kuugu lisay iiguma aad hambayn. |
| 93.Sagaaro laba tun oo lakala qalo male'. |
| 94.Sagaaro iyo tuuryo in yar baa laysla helaa.. |
| 95.Sibraar sahay ma aha ,hilib soryo ma aha .. |
| 96.Soddoggaa hal geel waa looga tagaa, hal geedse loogama tago. |
| 97.Soddohdaa wa lala hadlaa, wax xunse lama yidhaahdo.. |
| 98.Soori cun iyo cun, bay kumacaantahay... |
| 99.Shan nin oo marti qableh,shan shaa ka go'da. |
| 100.Shimbiri maalin bay dab qaadoo, min alley gubtay . |