| 1.Adhijiri ma kala abaal waydo |
| 2.adhi been waa didaa, beense ma dhutiyo. |
| 3.Af jooga loo ma adeego. |
| 4.Af aadan lahayn lama qabto. |
| 5.Af macaan gacan macaan baa dhaanta. |
| 6.Af aamusan,marti ma sado. |
| 7.Af xumo nabad waa kaa geysaa, colaadna wax kaagama tarto. |
| 8.Af wax cunay aamus. |
| 9.Arrin rag waa mudacyo afkood. |
| 10.Amaano kugu raagtey yadaa baa modaa. |
| 11.Awr awr wado iyo nin naagi wado midna kaa ma baydho. |
| 12. Aroos lagama raago lagumana raago. |
| 13.Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa. |
| 14.Barasho horteed hay nicin. |
| 15.Ballan daro waa diin daro. |
| 16.Boraan hatimo ha qodin, ku dhicidoonteena mooyee. |
| 17.Baddu waa isku dhadhan, |
| 18.Banaankiis mare maradiisa geed ma qabsato. |
| 19.Bartii yaqaan bari uma korodho. |
| 20.Ballaysin bir ka adag. |
| 21.Baadiyi nin aan lahayn bay ag joogtaa. |
| 22.Baruuro sabool badhaadhaa leh. |
| 23.Baruurbaa baruur qudhmisa. |
| 24.Bellaayo intay kaa maqantahay,qayrkaa bayku maqantahay. |
| 25.Beenlow nin dhintey ito nin dheer buu markhaati u qabsadaa. |
| 26.Belaayo kac guur ama gac guursay ku Tidhaa . |
| 27.Bil saddex reerkaagana waykaa saartaa, reer islaammeedna kuma gaadhsiiso. |
| 28.Biyo badeed meshaad ka dhadhamisoba waa qadhaadh. |
| 29. biyo badeed meel macaan ma leh. |
| 30.Biyo meel godan,bay isugu durduraan. |
| 31.Doqoneey dab kaa be. |
| 32.Doqoni waxay casarkii kaa maqasho ayey cishihii kugu caydaa. |
| 33.Doqoni hoosiis bay hadh moodaa |
| 34.Doqon usha agteeda ku dhufo hady garanwaydona iyada ku dhufo. |
| 35.Dabar iyo hogaan waa dan isa sidata. |
| 36.Dab aan lagu guban danbaskiisa lagama leexdo. |
| 37.Dawaco halkii macal idaad ku dhadhamiso,bay macaluul ugu bakhtidaa. |
| 38.Dad wax yar tare mooyee wax matare maleh. |
| 39.Dardaaran cawaysin,kalahaad arooryuu leeyahay. |
| 40.Dadku waa sida farahaas oo ILLAAH ma simin. |
| 41.Dadna dadbaa loogu dugaalaa,dugaagna geed. |
| 42.Dad iyo duunyaba waxaadan filayn ayaa kaaga yimaada. |
| 43.Dhalin dhafoor bay ku taalaa. |
| 44.Dhadhanshaa waalan dhergaana ka daran. |
| 45.Dheriga karka waxaa ka keena kulayl. |
| 46.Dheri iyo naago toona yar yaraysi ma leh. |
| 47.Dhar aadan lahayn dhaxan kaama celiyo. |
| 48.Dhalaankii hooyadood dhalmada baray. |
| 49.Dhagax tuurow hooyadaa waa qumayo. |
| 50.Dhubuq dhubuq hore ,dhamanahaysi danbe bay leedahay . |